Bismillaah.
Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh.
Maanta waxaa rabaa in aan si toosa ula hadlo dadkayga Soomaaliyeed.
Hadaynu soomali nahay
Waan doodnaa, waan murannaa, waan ka hadalnaa wax walba.
Midnimo. Al-Shabaab. Somaliland. Siyaasad. Qabiil. Qabyaalad. Social Media. Live-yo TikTok ah. Codad WhatsApp ah. Mar walbana qof ayaa aragtidiisa dhiibanaya.
Laakiin su’aal ayaan rabaa inaan si toos ah u weydiiyo:
Dhibaatooyinkeenu ma waa kuwo dibadda naga imanaya
mise waa kuwo ku bilaabma qalbiyadeenna?
Cadho ayaa burburisa guryo badan oo ka badan kuwa faqrigu burburiyo.
Nin kaa dhoofay kaa dhimay. Laakiinse cadho ayaa burburisa saaxiibtinimo in ka badan masaafad.
Maanta waxaan rabaa inaan saxno fikrad khaldan oo inagu dhex jirta:
Dad badan waxay u haystaan in:
- Nin cadho badan waa nin xoog leh
- Nin qayliya waa nin rag ah
- Nin degdeg u falceliya waa nin la ixtiraamo
- Laakiin runtii, taasi awood iyo xoogtoona ma aha.
Taasi waa daciifnimo isku ekaysiisay ragannimo.
Xoogga dhabta ahi ma aha qaylo.
Xoogga dhabta ahi ma aha hanjabaad.
Xoogga dhabta ahi waa is-xukun, inaad naftaada xukuntid.
Rasuulkeennii ﷺ nin ayaa u yimid, wuxuuna yidhi: “talo i sii.”
Rasuulku ﷺ wuxuu ku yidhi: “Ha cadhoon.”
Ninkii wuu ku celiyay, “talo i sii” mar kale, mar labaad iyo mar sadexaad…
Rasuulku ﷺ mar walba wuxuu ku jawaabay: “Ha cadhoon.”
Muu odhan “iska difaac.”
Muu odhan “ragg iska dhig.”
Muu odhan “cashar sii.”
Wuxuu yiri: Ha cadhoon.
Sababtoo ah qofka cadhada xakameeya, noloshiisa ayuu xakameeyaa.
Cadhadu kaliya ma aha dareen.
Cadho waa albaab.
Marka albaabka cadhadu furmo, dambiyo kale ayaa soo gala:
- aflagaaddo
- dulmi
- kibir
- Qoys kala go’a
- Xidhiidh burbura
- xitaa gacan ka hadal
Cadho ayaa kaa dhigta inaad tidhaahdo wax aanad qorsheyn.
Cadho ayaa kaa dhigta inaad sameyso wax aanad dib uga noqon karin.
Soomaali badan waxay qabaan dhiigkar, sababtoo ah waxay ka fekeraan waxa dadku dhahayaan haduusan falcelin. Cadhadaas awgeed, waxay daqiiqado ku burburiyaan wax ay sanado dhisayeen. Maanta Soomaali badan dhibaato ayay ku sugan yihiin, maxaa yeelay cadhada ayaynu caadi ka dhignay.
Ha ii fahmin si qaldan – Diinteena islaamku ma aha diin jilicsan. Islaamku wuxuu ina baraa awood, sharaf, iyo is-xakamayn. Ninka Muslimka ah, ka ugu xooggani waa kan cadhadiisa xakameeya, ee ma aha kan sida miinada qarxa.
Inagu Waxaynu u qaadanay in qayladu hoggaan tahay.
Waxaan u qaadanay in qallafsanaantu sharaf tahay.
Waxaan u qaadanay in dadkoo la cabsi geliyo ay tahay ixtiraam.
Bal adigu is weydii:
Dadka ma ku jecel yihiin… mise way kaa baqayaan oo kaa cararayaan?
Farqi baa u dhexeeya:
nin xoog leh oo la ixtiraamo
iyo
nin cadho badan oo laga fogaado
Ninka xoogga leh wuxuu keenaa deggenaansho.
Ninka xanaaqa badan wuxuu keenaa fowdo.
Cadhadeenu kaliya qof qof kuma salaysna,
Waxay gashaa qabiil, siyaasadda, guurka, shaqada, dhaqaalaha.
Waxaa la yiraahdaa:
“Shaqadani qabiil hebel bay u taal.”
“Guurkan lama oggola.”
“Hoggaanka annagaa leh.”
“Kaas waa laandheere, kan kalena waa laangaab.”
Taasi waa qabyaalad.
Qabiil laftiisu xumaan ma aha. Waa aqoonsi, waa qoys, waa is-garasho.
Laakiin qabyaaladdu waa marka qabiil loo adeegsado dulmi.
Maxaa qabyaalad kiciya?
Cadho, kibir, iyo iswaynin.
Haddii aan rabno horumar, waa inaan ka bilownaa horumarka qof iyo naftiisa.
2—————-
Waxaa jira fikrad muhiim ah oo dad badan ka maqlaan buugaag ama hadallo dhiirrigelin ah.
Fikraddaasi waa tan:
Qofkii aan naftiisa xukumin,
adduunka hortiisa kama taliyo.
Dad badan kuma noola nolol ay doorteen,
waxay ku noolyihiin falcelin.
Waatanoo warka markaynu dhagaysano waxaynu ku jirnaa falcelin, gorgortan, muran, iyo waqti kaa lumaya intaad noloshaada horumarin lahayd.
Hal kommenti ayaa muudhkaaga bedelaya
Cay ayaa maalintada dhan halaagaysa
Dib udhac yar ayaa keenaya inaad qaraxdo
Hal khilaaf ayaa noqonaya dagaal
Waxaad ogaataa
Qofna kuguma qasbi karo inaad cadhooto
Waxa laga yaabaa in lagu tijaabiyo in dhiigaaga la kiciyo
Laakiin albaabka flacelinta adigaa leh
Hadii qof ku tijaabiyo oo aad cadhooto ama qaraxdo, adiga ayaa siiyay furaha qalbigaaga.
Diinteena Islaamkuna waxay ku leedahay, cida xukumaysa ama ka faaidaysanaysa falcelintaada, ma ahan kaliya qofkaa ku tijaabiyey ee waa shaydaan iyo naftaada.
Markaa ma nihin dad odhanaya “naftaada ku kalsoonow.”
Waxaan leenahay: Alle ku kalsoonow, Alle gargaar weydiiso, dabadeed naftaada xukun.
Xooggu Alle ayuu ka yimaadaa.
3—————
Bal hada dhagayso tusaalahan,
Ganacsade weyn ayaa warshaddiisii oo dhan ay gubatay.
Hanti, shaqo, iyo taariikh wuxuu lahaa, dab baa qabsaday.
Rag badan way qaylin lahaayeen.
Rag badan cid ayay canaanan lahaayeen.
Rag badan way quusan lahaa.
Laakiin ninkani wuu deggenaa.
Wuxuu si tartiib ah u eegay dabka, dabadeedna wiilkiisii ayuu ku yiri:
“Hooyadaa u yeedh.
Waligeed mar dambe dab sidan u weyn ma arki doonto.”
Ma ahayn in aanu dabku xanuujin.
Qalbigiisu wuu gubanayay sida warshadda.
Laakiin wuu ogaa maahmaahda oranaysa:
“Afkii dab yidhi ma guban.”
Wuxuu fahmay hal xaqiiqo oo weyn:
Dabku wuu shidan yahay.
Cadhadu ma daminayso.
Argagaxu wax ma dhisayo.
Laakiin deggenaanshuhu waa furaha go’aanka saxda ah.
Taasi waa is-xukun.
Islaamkuna tan ayuu ina barayaa: sabr iyo tawakkul.
Sabr ma aha tamar-yaraan.
Tawakkulna ma aha caajisnimo.
4———-
Si kooban, diinteena islaamku waxay ka hadashay xaaladaha kala duwan ee nafta.
Xaaladahaas oo u qaybsama saddex.
- Nafs al-ammarah bissuu’: nafta amarta xumaanta – degdeg, cadho, kibir
- Nafs al-lawwaamah: nafta is-canaanta – “maxaad sidaas u sameeyay?” “maxaad ballantii u fulin weyday?”
- Nafs al-mutma’innah: nafta deggen – kalsooni, sabr, tawakkul
Markaad cadho la qaraxdo = nafs al ammarah bissuu’ ayaa waddada haysa.
Markaad wax iska qoomamayso = nafs al lawwaamah ayaa toostay.
Markaad is xakamayso = nafs al mutma’innah ayaa talada la wareegtay.
Ujeeddadu ma aha inaanan marnaba cadhoon.
Ujeeddadu waa inaan nafteena ka wareejinno nafs ammarah una guurinno nafs mutma’innah.
5———–
Hadaba aan ka hadalno xooga dhabta ah:
Dad badan waxay u haystaan in dagaalyahan kaliya yahay nin xanaaqa.
Laakiinse Islaamku sidaas ma aha.
Khaalid bin Waliid (RC) waa Sayf Allaah. Seeftii Ilaahay
Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ciidan ee ugu waaweyn taariikhda.
Laakiin maxaa ka dhigay mid guulaysta?
Ma ahayn kaliya geesinimo.
Waxay ahayd xeelad, deggenaansho, iyo is-xukun.
Haddii cadhadu xakamayn lahayd Khaalid,
wuxuu gelilahaa dabinno, go’aano khaldan, iyo khasaaro.
Hoggaamiyuhu cadho lama qarxo.
ee waxbuu qiimeeyaa.
Soomaalida waxaan leeyahay:
Nin qayliya mar walba ma aha nin xoog leh.
Mararka qaarkood waa nin gudaha ka daciif ah.
Xooggu waa inaad afkaaga hayso.
Xooggu waa inaad gacantaada celiso.
Xooggu waa inaad ka tagto meel aad wax ku burburin karto.
Taasi waa awood dhab ah.
6—————
Soomaalidu sharaf bay jeceshahay.
Waa dad neceb ceeb.
Taasi waa sababta cadhadu si fudud ugu kacdo.
Qof hadal haduu hadal ku yiraahdo – waxaad dareemaysaa inaad markiiba jawaab bixiso.
Laakiin dhageyso:
Haddii aad mar walba cadho ku jawaabto,
waxaad noqotaa qof la saadaalin karo, la maamuli karo.
Dadku way bartaan waxa dhiiga kugu kiciya.
Qabiil bay sheegaan = waad xanaaqdaa.
Laangaab bay ku yidhaahdaan = cadho ayad la qaraxdaa
Laandheere bay kugu ammaanaan = waad kibirtaa.
Taasi ma aha sharaf.
Taasi waa in lagugu ciyaaro.
Qabyaaladdu waa cudur ku fida:
- shaqooyinka
- guurka
- siyaasadda
- hantida
Islaamku qabiil ma tirtiro.
Islaamku kibirka ayuu tirtiraa.
Nebigu ﷺ wuu diiday isla-waynaanta qabiilka.
Wuxuu na baray in sharaftu aanay ku iman dhalasho iyo dhiig,
ee uu ku yimaad taqwa, rabbigaa ka cabso.
Haddii aad u cadhootid qabiil dartii,
is weydii: ma diin baa kugu riixaysa mise islawayni iyo kibir?
sida maahmaahdu tidhaahdo: “Nin kibir wataa, sharaf ma wato.”
7—————-
Xalka dhabta ah marka cadho timaaddo waa sidan:
Aamus.
Aamusnaantu ma aha guuldarro. Waa xukun.
Beddel booska.
Hadaad Taagan tahay – fadhiiso.
Hadaad Fadhido – jiifso.
Soo wayso qaado, cadho waa kulayl qabow ayaa jabiya.
Ilaahay ka magan gal shaydaan.
A’udhu billaahi minash-shaydaanir-rajiim.
Ha go’aan gaadhin adigoo xanaaqsan.
Ha dirin cod.
Ha qorin faallo.
Ha goyn xidhiidh.
Haddii aad rabto ixtiraam, naftaada ixtiraam marka hore.
8—————–d
Dadka hadalkoodu ku gubo waxay ku tusayaan meelaha aad wali ka tamar yar tahay.
Haddii hadal ku gubay, is weydii:
Maxay tani ii taabatay?
Maxay ii muujisay?
Cay ku damaqday – kalsooni la’aan miyaa jirta?
Qabiil lagugu duray – aqoonsi miyaa kaa xidhan?
Dhaleeceyn – oggolaansho miyad raadineysaa?
Nin cadho badan – dadku way ka fogaadaan.
Nin deggen – dadku way ixtiraamaan.
9—————
Tawakkulka dhabta ahi waa inaad sii dayso waxaanad xakamayn karin.
Nebi Maxamed ﷺ wuxuu yiri:
«مِنْ حُسْنِ إِسْلَامِ الْمَرْءِ تَرْكُهُ مَا لَا يَعْنِيهِ»
Qofka muslimka ah islaamnimadiisa waxa uwanaagsan inuu ka tago wixii an shaqadiisa ahayn.
Wuxuuna kaloo yiri:
«احْرِصْ عَلَى مَا يَنْفَعُكَ، وَاسْتَعِنْ بِاللَّهِ، وَلَا تَعْجِزْ»
Ku dadaal waxa ku anfaca, Allena kaalmo weydiiso, hana is-dhiibin
Markaa
Ka tag waxaan ku quseyn,
ku dadaal waxa ku anfaca,
Alle ku kalsoonow—hana daalin.
Ogow,
Cadhadu waxba ma beddesho.
Deggenaanshuhu wuu ku hagaa.
Hadii an so gunaanado
Waxaan leeyahay
Nin xoog leh ma aha kan dadka cabsi geliya.
Waa kan naftiisa xukuma.
Nin qayliya waa la iska ilaaliyaa.
Nin deggen waa la ixtiraamaa.
Haddii aad rabto horumar – naftaada ka bilow.
Haddii aad rabto sharaf – afkaaga ilaali.
Haddii aad rabto nabad – falcelintaada xukun.
Ilaahay ha naga dhigo dad sabir leh, xikmad leh, oo naftooda xukuma.
Ilaahay ha naga badbaadiyo shaydaan iyo nafs al ammarah bissuu’ waa nafta ku farta xumaanta
Ilaahay ha naga dhigo kuwo deganaanshiyo laga helay – oo naftoodu gaadho heerka nafs al mutma’innah, nafta deggan.