FIIDIYOW BEEN ABUURA SIDEE LOO GARTAA!

AI-ga casriga ah wuxuu gaadhay heer ay adkaatay in la kala saaro fiidiyowga dhabta ah iyo kan la been abuurka ah. Fiidiyowyada been abuurka ah ayaa si degdeg ah u faafaya, waxaana muhiim ah in qof kastaa barto calaamadaha lagu garto.

Fiidiyowgaan waxaan ku sharaxayaa tilmaamaha ugu muhiimsan ee lagu ogaado fiidiyowyada AI-ga, sida khaladaadka ku jira wejiga, dhaqdhaqaaqa indhaha, gacmaha, khaladaadka asalka muuqaalka iyo astaamaha farsamo ee kale ee aan caadiga ahayn.

Haddii aad rabto inaad ka hortagto marin habaabinta iyo xogaha beenta ah ee lagu faafiyo muuqaalada been abuurka ah, fiidiyowgaan wuxuu ku siinayaa faham degdeg ah oo lagama maarmaan u ah garashada xaqiiqada si aadan god ugu dhicin ama jaahil lagugu tilmaamin.

Wadaag:

← Ku noqo Blog