Dad badan maanta ma la kulmaan dhibaato la yiraahdo aqoon laβaan, balse waxay la kulmaan dib u dhigis. Waxaad ogtahay waxa saxda ah haddana way kugu adag tahay inaad qabato. Taasi badanaa kama timaaddo caajis keliya, ee waxay ka timaaddaa naftaada oo aan amarka aad bixiso aan qaadanayn, waxaanay sii sababtaa walwal, walbahaar iyo walaac.
Social media-du waxay si gaar ah u quudisaa xaaladdan. Waxay ku siisaa dareen degdeg ah oo ku salaysan dopamine, halka ay kaa qaaddo awoodda aad ku bilaabi lahayd waxyaabaha noloshaada muhiimka u ah sida waxbarashada, shaqada, iyo horumarka nafta.
Xalku ma aha inaad sugto intay niyadu kuu hagaagayso ee xalku waa inaad barato sida aad naftaada ugu talin lahayd si ay go’aanka ugu xejiso camal/ficil, adigoo ku bilaabaya tallaabooyin yaryar oo joogto ah. Goβaan cad oo aad markiiba ficil ku xejiso walow ha yaraadee iyo naftaada oo aad fahamto ayaa ka adkaan kara dib u dhigid kasta/caajis kasta.
Haddii aad rabto horumar dhab ah, bilow maanta xataa haddii ay tahay tallaabo aad u yar hana ilaawin in aanad la murmin naftaada, hadii muran bilaabmo waa lagaa bediyay, naftaada amar sii, jidhkaagana ka dhig askari amar qaata.